AKHRISO:- Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafka

0

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaas oo saameyn weyn ku yeeshay Hay’adaha kala duwan ee Maamulka puntland.

Hayeeshee wararka la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ay is-afgarad hordhac ah ka gaareen khilaafkoodii kadib markii ay dhex-dhexaadin ka dhex sameeyeen Isimada Puntland iyo qaar kamid ah Xildhibaannada.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa ayay kaga heshiiyeen khilaafka oo intiisa badan salka ku haayay xilka qaadistii uu Axmed Karaash ku sameeay Wasiirada, Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda, xilligii uu Deni kujiray ololihiisii musharraxnimada ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ay Risaala heleyso ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku ballameen kulan kale si mad madowga meesha looga saaro , isla markaana la dhameystiro xal ka gaarista khilaafkooda.

Khilaafka Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa ah mid waayadaan soo laab laabanayay kaas oo salka ku haaya dhanka awooda Maamulka, waxaana sidoo kale fashilmay mooshin ay Xildhibaannada qaar ka wadeen Xukuumadda Madaxweyne Deni si ay uga faa’iideystaan khilaafka kala dhaxeeya kuxigeenkiisa.