AKHRISO:- Itoobiya oo War kasoo saartay dadkii lagu dilay Galbeedka dalkaas

0

Raiisal Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha dibada Itoobiya demeke mekonnen ayaa ka Tacsiyeeyay Dadkii lagu Xasuuqay Galbeedka Gobalka wallega ee Degaanka Oromia.

Demeke waxaa uu sheegay inaan loo Dulqaadan doonin in Maalin walba dadka Shacabka ah la xasuuqo, isaga oo sheegay inay tallaabo qaadi doonaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda Itoobiya ay qaadi doonto tallaaboouin horleh oo looga hortagayo in xasuuq kale uu dhaco si dad aan waxba galabsan loo dilin.

In ka badan 260 Ruux ayaa lagu dilay colaad u dhaxeeysa qowmiyado wada dega Galbeedka Gobalka wallega ee Degaanka Oromia de dalka Itoobiya.