AKHRISO:- lix Carruur ah oo nafaqo darro ugu geeriyootay degmo katirsan Gobolka Hiiraan

0

Waxaa sii xoogeysanaya xaaladaha nafaqa darro iyo Abaarta kajirta degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, taas oo saameysay dad iyo Duunyo, iyada oo Carruur dhowr ah ay u geeriyoodeen.

Agaasimaha Isbitaalka degmada Maxaas Yaxye Cabdi Garuun ayaa sheegay in lix Carruur ah ay degmada ugu geeriyoodeen xaaladaha nafaqa darro, welina ay sii jirto xaaladda macluusha ah.

Agaasimaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Abaarta iyo nafaqa darrada ay siweyn u saameysay dadka kunool tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas , sigaar ahna u saameysay
Carruurta da’doodu ka yartahay shanta sano, isla markaana maalin walba ay nafaqa darro ay u geeriyoodaan laba ama Saddex Caruur ah.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in degmada Maxaas xilligaan aysan jirin hay’ado ka howlgalla, sidoo kalena aysan wax gurmad ah ka helin Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal oyo Heer dowlad Goboleed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Isbitaalka degmada Maxaas uu yahay Isbitaal ay ku tiirsan yihiin dadka ka kala yimaado degmooyinka Ceelbuur iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Sh/dhexe, kuwaas oo aanan laheyn adeegyadii Caafimaad ee loo baahnaa, isaga oo walaac ka muujiyay
xaalada caruurta nafaqadarada soo ridaneyso maalin walba oo tiradoodu ay sii kordheyso.

Degmada Maxaas ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS,waxaana xilligaan kajira dhibaatooyin badan oo ka dhashay abaaraha.