AKHRISO:- Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Gedo

0

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoona qaranka ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo iyo degaannada hoostaga.

Howlgalka oo uu hogaaminayo Taliyaha Nabadsugida iyo sirdoonka degmada Baladxaawo Cabdirashiid Dhitaay ayaa Ciidmamadu sigaar ah uga fuliyeen degaannada Farwaaley, ShirkoTuulo Calidheere ilaa Warcadey .


Intii ay howlgalka kujireen Ciidamada ayaa waxaa ay baaritaano ku sameeyeen guryaha qaar, waxaana meelaha howlgalka laga sameeyay mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Al-Shabaab walow saraakiisha Ciidamadu aysan sheegin dad ay ku qabteen howlgalka.