AKHRISO:- Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo kulan la qaatay Guddigii doorashada Madaxweynaha

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kulan la yeeshay guddigii ka Shaqeeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 15-kii Bishaan ka dhacday Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu mahad celiyay guddiga sidii ay u hirgaliyeen jadwalkii doorashada Isla markaana u maamuleen doorashadii madaxweynaha JFS .

Guddoonka labada Aqal iyo Guddiga doorashadii Madaxweynaha ayaa u diyaar garoobaya ka qeyb galka munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.