AKHRISO:- Ciidamada howlgalka ATMIS oo dad ku xir xiray Shabeellaha Dhexe

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay tiro dad ah ku xir xireen degaano hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

Dadka la xir xiray oo gaaraya ilaa 8 Ruux ayaa laga qabtay degaanka Qura Faarax oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degaannada Caadleey iyo Miirtuugo, waxaana Ciidamada ATMIS ay dadkaasi ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Ururka Al-Shabaab.


Wararka Risaala ay heshay ayaa sheegaya in Ciidamada howlgalka ATMIS ay 8 Ruux keeneen Magaalada Muqdisho, iyada oo aan la ogeyn sida ay ka yeelanayaan, balse qaar kamid ah ehelada dadka la xir xiray ayaa sheegay in wax xiriir ah aysan la laheyn Al-Shabaab.

Howlgalkan ay Ciidamada ATMIS ku xir xireen dadka Shacabka ah ayaa kusoo beegmaya xilli Al-Shabaab todobaadyadii la soo dhaafay ay culeys xoogan saareen degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo weeraro dhowr ah ka fuliyay.