AKHRISO:- Kulan ku saabsan sugida Amniga gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka dhacay

0

Gudoomiyaha gobolka mudug mudane Axmed Bukhaari ayaa kulan deg deg ah oo ku saabsan sugidda amniga gobolka Mudug waxaa uu la qaatay Saraakiisha ciidanka.

Kulankaan waxaa kasoo qeyb galay taliska qeybta booliska gobolka, kan degmada, gudoomiye ku xigeenka degmada eng Maxamed cabdi cilmi iyo saraakiisha ciidamada xasilinta gobolka mudug, kuwaas oo door muhiima ka qaata sugista amni gobolka Mudug.

kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa fal-dabiyeedyada amniga ka dhanka ah ee saacadihidii ugu danbeeyay ka dhacay degmada gaalakcyo.

Gudoomiyaha ayaa gobolka ayaa ka codsaday saraakiisha ciidanka in gacanta lagu soo dhigo kooxo hubeysan oo shalay labo ruux ku dilay duleedka magaalada Gaalkacyo.