AKHRISO:- Itoobiya oo Maxkamad soo taagtay Saraakiil Sar sare oo Abiy Axmed kasoo horjeestay

0

Jeneraal caan ah oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Jimcihii kasoo muuqday maxkamadda, kadib markii toddobaadkan la xiray, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xir-xirayay qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasadda qowmiyadda Amxaarada.

Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa taliyaha ciidanka Axmaarada ilaa bishii February markaas oo xilka laga xayuubiyay, iyada oo aan la sheegin sababta. Ciidamada Axmaarada ayaa taageerayay ciidamada federaalka ee Abiy ee kasoo horjeeda xoogaggii kacdoonka waday ee waqooyiga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay halkaas sanadkii 2020.

Axaddii hore, Tefera ayaa waraysi uu siiyay TV waxa uu ku naqdiyay istiraatijiyada Abiy ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee raysal wasaaraha in lagu dhiirrageliyay lacag.

Menen Haile, oo ah xaaska Tefera, ayaa sheegtay in lagu hayay xabsiga muddo toban maalmood ah. “Boolisku waxay sheegeen inay tuhunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xoog ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah,” ayay u sheegtay Reuters.