AKHRISO:- Khasaaro xoogan oo ka dhashay dabkii ka kacay Ganacsiyo ku dhow Isgoyska Banaadir

0

Dab xooggan ayaa xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Benaadir ee magaalada Muqdisho, ayada oo dabkaasi uu geystay khasaaro hantiyadeed, isla markaana uu baabi’iyay Goobihii Ganacsi ee uu ka billowday.

Dabka ayaa goobjoogayaal ay kamid yihiin Ganacsatadii laheyd Goobaha Ganacsi ay sheegeen in uu ka billowday Koronto kadibna uu ku fiday Goobaha kale ee Ganacsi..

Ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray halka uu dabku ka kacay, ayaga oo ugu dambeyn ku guuleystay inay xalay xilli dambe dabka demiyaan.

Qaar kamid ah Ganacsatadii laheyd Suuqa uu dabka ka kacay ayaa sheegay in dhamaan hantidoodii uu dabka baabi’iyay, isla markaana aan lagu guuleysan in waqti kooban lagu demiyo dabka, sidoo kalena aan dhamaan badbaadin hantidii taallay Goobaha Ganacsi ee uu dabka ka kacay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu murugada iyo xanuunka la qeybsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu hantidoodii burburiyay dabkii ka kacay isgoyska Banaadir iyo darafyadiisa, wuxuuna Alle uga baryay baddel khayr leh.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagay tiiraanyada iyo walaaciisa ku aaddan qasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo si gaar ah ugu mahad-celliyay ciidanka dab-damiska iyo kooxda gurmadka deg-degga ah kuwaas oo ku guuleystay daminta dabka ka kacay suuqa Banaadir, wuxuuna uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dadka walaalahood ah ee ku hanti beelay dabkaan la garab istaago.

Dabka ka kaca suuqayada ayaa aad ugu badan Muqdisho, ayada oo dhowr mar uu gubteen suuqa weyn ee Bakaaraha iyo suuqyo kale oo yaryar oo ku yaalla magaalada.