AKHRISO:- Howlgal lagu qabtay Xubin katirsan Al-Shabaab oo laga sameeyay Shabeellaha Hoose

0

Howlgal qordheysnaa ayay ka sameeyeen Ciidamada daraaawiishta Koonfur Galbeed degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo la sheegay in lagu qabtay Xubin katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii dhowr jeer weeraro iyo falal Amnidarro ay Al-Shabaab ka feysteen degmada Qoryooleey iyo degaannada hoostaga

Guddoomiyaha dagmada Qoryooley Siid Cali ibraahim oo howlgalka faah faahin ka bixinayay ayaa sheegay inay wiiqeen awoodii Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah ee laga fulinayo degmada iyo degaannada ku dhow dhow.

Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa gacanta ku haaya Ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed & Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Xubno katirsan Al-Shabaab.