AKHRISO:- Hay’ado sheegay in abaartii ugu darneyd ay kajirto Soomaaliya

0

Hal qof ayaa 48-dii ilbiriqsi kasta u dhimanaya gaajo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika ee ay abaaruhu halakeeyeen iyadoo ay bulshada caalamku si gaabis ah uga jawaabeen, sida ay sheegeen qaar kamid ah Hay’adaha gargaarka.

Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah kuwa ugu daran ee xilligaan xaaladda macluusha ah ay kajirto.

” Tani waxay soo xasuusinaysaa macluushii 2011-kii ee dishay in ka badan 260,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya – kala bar waxay ahaayeen carruur ka yar shan sano jir ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Hay’adaha Caalamiga ah.

Oxfam iyo Save the Children ayaa sheegay in hadda, ku dhawaad ​​500,000 oo qof oo ku kala nool qaybo ka mid ah Soomaaliya iyo Itoobiya ay wajahayaan xaalado macaluul ah oo aad u daran.

Kenya, ilaa 3,5 milyan oo qof ayaa la ildaran gaajo aad u daran.

Tirada dadka ay soo food saartay gaajo ba’an ee saddexda waddan ayaa in ka badan labanlaabmay tan iyo sannadkii hore – in ka badan 10 milyan ilaa in ka badan 23 milyan maanta.

Abaarta ay sababtay cimilada oo isbedelay oo ay u sii dheer tahay iskahorimaadyada dadka ku qasbaya inay guryahooda ka baxaan, iyo COVID-19, colaada Ukraine iyo dhaqaale xumo keentay inay hoos u dhiganto awoodii dadku kula tacaalayeen Abaarta.