AKHRISO:- Dil ka dhacay Xaafad katirsan Muqdisho & faah faahin laga helayo

0

Barqanimadii Maanta ayaa Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado waxaa Xaafad katirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir ay ku dileen Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Laba xidigle Aadan Cusmaan, waxaana xilliga la dilayay uu ku sugnaa meel u dhow Gurigiisa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Sarkaalka, waxaana dilkaasi mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab.

Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Dharkeenleey ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay Sarkaalka katirsan Ciidamada dowladda, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli xalay Kooxo hubeysan ay degmadaasi Dharkeenleey kudileen Askari katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya.