AKHRISO:- Ciidanka dowladda oo dagaal kula wareegay degaanka Sangooye

0

Ciidamada GorGor ayaa dagaal kula wareegay Deegaanka Sangooye oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda la baxday Ahlusunna ee shalay laga saarey Dhuusamareeb.

Saraakiisha ciidanka Danab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii saaka ay ku qaadeen ciidanka Ahlusunna, waxaana ay sheegeen in ay ku qabsadeen gaari Cabdille ah iyo sanaad kale.

Ciidanka Amniga ayaa sidoo kale sheegay in ay kusii jeeday deegaanka Bohol oo ah Saldhiga ciidanka Ururka Ahlusunna ee ay kasoo weeraran magaalooyinka Galmudug.

Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug ayaa degan ka dib markii shalay ay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhaxeeyay Xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka Galmudug.