AKHRISO:- Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Xildhibaanada golaha Shacabka

0

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Xildhibaannada labada Aqal inay Beri doortaan Musharraxa la imaanayo tayo hoggaamineed.

War Saxaafadeed kusoo baxay beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay ka go,an tahay in ay sii taageeraan Soomaaliya.

“Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay beesha Caalamka.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa berri lagu waddaa in ay doortaan Madaxweynaha dalka hoggaamin doona Afarta sano ee Soo socota.