AKHRISO:- Somaliland oo gacanta ku dhigtay Ajaanib dhoofineysay Xayawaanka Haramcadka

0

Ciidanka ilaalada xeebaha iyo difaaca badaha Somaliland ayaa howlgal sameeyeen gacanta ku dhigay todoba xabo oo ah Xayawaanka haramcadka oo laga dhoofinayey xeebta xarin oo bari kaga beegan masaafo dhan 54 mile magaalo xeebeeda Berbera.

Intii ay howlgalka kujireen ayay sidoo kale waxay ciidanku soo qabteen saddex nin oo labo kamid ah dalka Yemen u dhasheen halka midka kale uu kasoo jeedo degaannada Soomaaliland, isaga oo watay baaburka lagu dhoofinayey harimacadka iyo waliba doontii iyo baabuurkii siday.

Taliyaha Saldhiga Koowaad ee Gobolka saaxil iyo saraakiil uu wato ayaa saaka gaaray Deegaanka karin ka dib markii ay gacan ku dhigeen ciidankii habeenimadii xalay dabasocday Haramcadka la dhoofinayo ee sharci darrada oo ku sugnaa biyaha Deegaanka Karin iyo dhinaca barigaba .

Taliyaha guud ee Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Janeraal Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa sheegay inay sharci lala tiigsan doono dadka lagu soo qabtay ugaartaan la doonayey in la dhoofiyo, isaga oo , dhanka kale u balan qaaday inuu dalacsiin doono Ciidanka hawl-galkaasi fuliyey .