AKHRISO:- Saraakiil & Askar ku geeriyootay dagaalka Dhuusamareeb

0

Ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Maamulka Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna Waljamaaca ayaa dagaal saacado badan qaatay waxa uu Maanta ku dhex-maray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii xoogag ka tirsan Ahlusunna oo ka yimid dhinaca degaanka Bohol ay weerar ku qaadeen Magaalada Dhuusamareeb, waxana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay Xaafadaha Waaberi iyo Waxaracadde iyo Aaga Xarunta Inji iyo Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay dad u badan dhinacyda dagaalamay, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiiyay geerida Cabdulkhadir Alamagan oo kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Wasiirka waxbarashada Galmudug & Cabdalle jaamac indho maleh oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ahlusunna.

Sidoo kale waxaa jira tiro madaafiic ah oo ku dhacay Xaafado katirsan Magaalada Dhuusmareeb, kuwaas oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad Shacab ah, sidoo kale guryo farabadan ay ku burbureen.

Cumar Da’uud oo kamida saraakiisha ciidanka madaxtooyada Galmudug kana mid ah saraakiisha huggaaminaysa dagaalka ayaa warbaahinta kula hadlay cirifka waqooyi ee Dhuusamareeb ayaa sheegay inay magalada ka saareen xoogaga Ahlusunna ee soo weeraray, isla markaana ay ku daba jiraan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in sidoo kale tiro maxaabiis ah ay xoogaga Ahlusunna dagaalka uga qabteen, isaga oo sheegay in sida ay dhiigooda u baneysteen ay iyana ula dagaalami doonaan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dhinacyada ay gurmadyo kala duwan helayaan, waxaana ciidamada dowladda degmda Guriceel uga yimid Ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska ah, halka xoogaga Ahlusunna ay Ciidamo horleh uga yimaadeen dhinaca degaanka Bohol.