AKHRISO:- Dilal ka dhacay Magaalada Boorama ee Sonaliland

0

Ilaa Saddex Ruux ayaa siyaabo kala duwan saacadihii la soo dhaafay loogu dilay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, halkaas oo ay gacanta kuhayaan Ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Dilalka oo la sheegay inay la xiriiraan aanooyin qabiil ayaa marka hore waxaa Magaalada Boorama lagu dilay xalay hal qof, iyada isla xalay laba qof oo kale lagu dilay, waxanaa taasi ay keentay xiisad ka taagan Magaalada.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada Boorama ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dadkii dilay labada qof ee dambe, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada si Maxkamad loo horgeeyo.

Dadka kunool Magaalada Boorama ayaa dareemaya xiisadda ka dhalatay dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, waxaana la sheegay in Ciidamada Ammaanka ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in xiisadda aysan sii kordhin oo la qaboojiyo.