AKHRISO:- Dhimasho & dhaawac ka dhashay shilal ka dhacay Garoowe

0

Ilaa laba Shil oo gaari ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyadeed.

Shilka Koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garoowe kadib markii Gaari nooca Iska rogaha ah oo Alaab u waday Dad Reer Miyi ah oo guuraya uu ku dhacay jihada bari ee Garoowe kadibna uu laamiga ka baxay.

Inta la xaqiijiyay Shilkaas ayaa waxaa ku geeriyooday Hal Ruux halka mid kale uu ku dhaaeacmay, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Maamulka Puntland.

Shilka labaad ayaa waxaa uu saaka ka dhacay Magaalada Garoowe kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo mooto bajaaj, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyooday wadihii Mooto Bajaajta intii Isbitaalka loo sii waday.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Garoowe iyo drgaannada hoostaga waxaa kusoo batay shilal Gaari, kuwaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Dad Shacab ah.