AKHRISO:- Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay degmada Guriceel

0

Wiilkaan Dhalinyarada ah oo lagu Magacaabi jiray Siciid Gabeyre oo loo yaqaanay (Afar Daqiiqo) ayaa goordhow lagu dilay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Wiilkan oo Baraha Bulshada ku dhaliili jiray Madaxda Galmudug ayaa Wararka la helayo ay sheegayaan in Ciidamo katirsan dowladda ay dileen.

laamaha Amniga degmada Guriceel ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin dilka loo geystay Wiilka Dhalinyarada ah, waxaana goobjoogayaal sheegeen in xilliga la dilayay Ciidamada Ammaanka ay howlgal kujireen.

Dilka Wiilka Dhalinyarada ahaa loogu geystay Galabta degmada Guriceel ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii la soo dhaafay degmadaas dadka Shacabka ah ka barakacayeen kadib markii xoogagga Ahlusunna ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan bilaabeen.