AKHRISO:- Rooble Oo La Kulmay 16kii Xildhibaan Ee Lagu Soo Doortay Ceel-Waaq

0

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho ah la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Rooble ayaa ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay xildhibaanadan isagoo ku boorriyay inay dalkooda iyo dadkooda si hufan ugu adeegaan mudada afarta ah ee metelayaan.

Wareegto ka soo baxday dhowaan guddoonka cusub ee golaha shacabka ayaa lagu sharciyeeyey xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq, taasoo meesha ka saartay xildhibaano kale oo sheegtay in lagu soo doortay magaalada Garbahaarey.

Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq oo aan u suurtogelin inay codeeyaan doorashadii guddoonka golaha shacabka ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha oo 15ka bishan ka dhici doonto magaalada Muqdisho.