AKHRISO:- Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidammada Maraykanka ee Afrika

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku soo dhaweeyey Magaalada Hargeysa Jeneral Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), si wada-tashi looga sameeyo horumarinta danaha labada dhinac ee ammaanka Bariga Afrika.

Jeneral Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeya Ciidammada Maraykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxa ku wehelinayey booqashadiisa Safiirka Maraykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Maraykanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu uga mahadceliyey wefdiga safarka ay ku yimaadeen Somaliland una sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee Somaliland iyo Maraykanka.

Intii uu socday kulanka labada dhinac ku dhex-maray Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay, “In booqashada Jeneral Stephen Townsend ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta geeska iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, ayna ka turjumayso in bog cusub u furmay xiriirka labada dhinac.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faa’iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan. Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika ayuu yiri” Muuse Biixi.