AKHRISO:- Al Shabaab Oo Madaafiic Ku Weeraray Deegaanka Biyo Cadde

0

Wararka ka imanaya deegaanka Biyo Cadde oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in madaafiic lagu weeraray caawa saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaankaas iyo xaafado ka tirsan Biyo Cadde ay sababeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiic xoog leh oo lagu duqeeyay magaalada Biyo Cadde caawa xilli ay dadka jiifeen guryahooda, ayaa sababay dhimashada haweeney umul ahayd iyo ilmo yar oo ay dhashay,sidoo kale waxaa ay wararka sheegayaan in shan ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen madaafiicdan.