AKHRISO:- Saraakiisha Ciidamada DFS & kuwa ATMIS oo shir deg deg ah ka yeeshay Amniga Dhuusamareeb

0

Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, isaga oo kulan deg deg ahaa la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha uu taliyaha la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor, waxaana ka wada hadleen Amniga Guud ee Dhuusamareeb.

Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ku dhawaaqey in aysan gacmaha ka laaban doonin Ciidankooda Dhuusamareeb jooga xoogaga Ahlusunna ee qorsheynaya in ay Dhuusamareeb soo weeraraan

Col. Xasan Jaamac, ayaa sidoo kale amar buuxa siiyey Ciidamadiisa Dhuusamareeb jooga oo la farey in saraakiishoodu si joogta ah ula shaqeeyaan Ciidanka federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii Caasimada looga difaaci lahaa kooxaha duulaanka ku ah.

Shirkan deg dega ah oo Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS ay ku yeesheen Magaalada Dhuusareeb ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay dhaq djaqaaqyo Ciidan duleedka degaanka Bohol ka wadeen xoogagga Ahlusunna