AKHRISO:- Dalal raadinaya inay ku biiraan NATO

0

Dalalka Finland iyo Sweden ayaa la filayaa in ay codsadaan inay ku biiraan gaashaabuurta NATO dabayaaqada bishan. Arrintan ayaa jawaab u ah duullaankii Ruushka ee dalka Ukraine. Labada waddan ayaa sheegay in falalka Moscow ay beddeleen hanaankii amniga ee Yurub, iyada oo hanjabaadda Ruushka ee adeegsiga hubka nukliyeerka ay uu baahan tahay is difaacid si wadajir ah loo sameeyo, taas oo NATO ay dammaanad qaadi karto.

Sharci-dejiyeyaasha Finland ayaa ka doodaya ku biiridda gaashaanbuurta, ka dib dhowr qoraal oo dhinaca amniga ah oo horaantii bishan soo baxay. Go’aan ayaa la filayaa maalmaha soo socda.

Wasiirka Arrimaha Yurub ee dalka Finland Tytti Tuppurainen ayaa VOAda u sheegay in ay iska caddahaay in wax walbaa isbeddeleen illaa markii Ruushku uu bilaabay dadagaalka Ukraine.

Tuppurainen ayaa sheegay in doodaha baarlamaanka ee gudbinta codsi rasmi ah horumar weyn laga sameeyey.

Xisbiga Social Democrat ee dalka Sweden ayaa la filayaa inuu go’aan codsi ku biiridda NATO ah uu ku dhawaaqo 15ka bishan May. Labada waddan ayaa ka fikiraya in hal marka ay codsiga wada gudbistaan.