AKHRISO:- Ciidanka DANAB oo fuliyay howlgal hub farabadan lagu soo qabtay

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 5aad Guutada16 Ee Kumaandooska DANAB ayaa howlgal qorsheeysan ka fuliyayay degaanka Ceelcade oo Qiyaastii 30km u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka intii uu socday lagu dilay 11 Xubnood oo katirsan Ururka Al-Shabaab halka ay nolosha ku qabteen laba Xubnood oo kale.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka ay kusoo furteen lix qoray oo AK47 ah, hal qoray BKM ah sida uu Warbaahinta Ciidamada u xaqiijiyey Taliye Carab dheeg Axmed oo ah Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee DANAB.

Dhowr jeer oo hore ayaa degaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciifamada dowladda & kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab kadib markii Ciidamada oo howlgal kujira ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab.