AKHRSO:- Qaar kamid ah Wasiiradii uu xilalka ka qaaday Axmed Karaash oo Shaqadooda wata

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ahna Guddoomiyaha guddigga dib u-habeynta Ciidamada Xasan Shire Cabdi iyo Taliyaha Ciidamadda Difaac Puntland Gen. Yaasin Cumar dheer ayaa Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiir Xasan Shire syaa kakid Haa Saddex Wasiir oo Madaxweyne kuxigeenka Puntland uu xilka qaadista ku sameeyay, waxaana Mas’uuliyiintan magaalada gaalkacayo ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka kan Degmada iyo taliyaasha kale duwan ee ciidamada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ahna Guddoomiyaha guddigga dib u-habeynta Ciidamada Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Ujeedka socdaalkooda uu salka ku hayo tababar loo soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland oo mudo tababar uga socday Dugsiga tababarka Gen. Careys ee Magaalada Gaalkacyo

Waxaa ay u muuqataa in aysan dhaqan gelin wareegtooyinkii xilka qaadista ahaa ee uu dhawaan soo saaray kusimaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland, iyada oo Wasiiradii uu xilalka ka qaaday ay sicaadi ah u wataan Shaqadooda.