AKHRISO:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Saraakiisha Ciidamada ATMIS faray Amniga doorashada Madaxweynaha

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan deg deg Magaalada Muqdisho kula yeeshay saraakiisha sare ee ciidanka howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Saraakiisha uu la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaqiijinta amniga dooraashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in todobaadka soo socda ka qabsoonto Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golasha Shacabka ayaa ku booriyay Saraakiisha inay gutaan waajibaadkooda shaqo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Amniga doorashada.

Kulanka deg dega ah oo guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka ATMIS ayaa kusoo beegmaya xilli Guddiga doorashada Madaxweynaha ay go’aamiyeen in Amniga doorashada Madaxweynaha inay sugaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.