AKHRISO:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeer deg deg ah ku tegay hoolka doorashada Afisooni

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afasiyooni oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya. Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha.


Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.