AKHRISO:- Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bakool

0

Dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan ayaa degaano katirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa uu ku dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Ciidamada Itoobiya oo kusii jeeday degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa xilliga la weerarayay marayay inta u dhaxeeysa deegaanka Garsaaley iyo degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kolonyada Ciidamada Itoobiya ay dagaalka kadib iska sii wateen socdaalkooda, kuwaas oo kusii jeeda degmada Waajid kana yimid dhinaca degmada Xudur ee Gobolkaasi Bakool.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamo farabadan oo Itoobiyaan ah waxaa ay kusoo qul qulayeen degaano iyo drgmooyin katirsan Gobolka Bakool, waxaana mararka qaar qaraxyo iyo weeraro toos ah ay kala kulmayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.