AKHRISO:- Xildhibaannadii lagu doortay degmada Ceelwaaq oo la dhaariyay

0

Waxaa Hotel kuyaalla Xeendaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde e Magaaada Muqdisho lagu dhaariyay 16-kii Xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Munaasabadda dhaarinta xildhibaanada waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka 11-aad, Xoghayaha Baarlamaanka iyo qaar kamid ah xildhibaanada Jubaland.

Galabta ayaa qorshuhu ahaa in 16 Xildhibaan lagu dhaariyo Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, balse ay goobta tageen 16 kale ee lagu doortay degmada Garbahaareey, waxaana buuq ka dhashay halkaasi kadib laga soo wareejiyay dhaarinta.

16 Xildhibaan ee lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen, taas oo lagu wado in 27 Bishaan lagu qabto xerada Afisiyooni.