AKHRISO:- Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu xir xiray dalka Zambia

0

Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Zambia ayaa xabsiga dhigay Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo tahriib ku tegay dalkaas si ay ugu sii gudbaan dalka koonfur Afrika si ay uga Shaqeystaan.

Dhalinyarada oo isugu jira rag & dumar ayaa gaaraya ku dhawaad Boqol ( 100) Dhalinyaro ah, waxaana ay ka tageen dalka Soomaaliya , waxaana haatan dhibaatooyin kala duwan ku heysta Xabsiyada dalkaasi Zambia.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia Maxamuud Maxamed (Hiiraan) ayaa sheegay in Dhalinyaradaas la xiray ay balanta uga baxeen Raggii tahriibinayay kadib markii lacago farabadan ka qaateen.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay socdaan dadaalo kale oo lagu doonayo in lagu siidaayo Dhalinyaradaas si loogu soo celiyo dalkooda Hooyo ee Soomaaliya oo ay markii hore ka tageen, iyaga oo doonayay inay ka Shaqeystaan dalka Koonfur Afrika.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u tahriiba qaar kamid ah dalalka Caalamka ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan haba ugu badnaadaan kuwa lagu qabto Xeebaha dalka Libya, kuwaas oo Kooxaha loo yaqaano magafayaasha ay xiraan si ay lacago farabadan uga qaataan.