AKHRISO:- Maraykanka oo qalab millatari u diray Ukraine

0

Xukuumadda Washinton ayaa qalab milatari oo ku kacaya $200m gaarsiyay ee Ukraine xilli laga cabsi qabo weerar Ruushku ku qaado wadankaan oo taageero ka haysta NAATO sida ay sheegtay safaaradda Mareykanka.

Agabkaan Milatari ayaa daba socda booqashadii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu ku tagay Kyiv usbuucan iyadoo ay jirto walaaca ka imaanaya Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ee ku aaddan tobanaan kun oo askari oo Ruush ah oo ku daabulay xadka Ukraine.

Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo weerar cusub oo militari. Washington waxay ogolaatay xirmada $200m bishii Disembar. Wasiirka difaaca ee Ukraine ayaa uga mahadceliyay Mareykanka kaalmada.

Dmitry Peskov, oo ah afhayeenka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa horaantii isbuucan ku tilmaamay saadka reer galbeedka ee hubka ay siiyaan Ukraine mid aad khatar u ah, wuxuuna sheegay “in aysan waxba ka qaban si ay u yareeyaan xiisadaha”.

Kulan dhexmaray Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov Jimcihii ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.