AKHRISO:- Maamulka degmadw Guriceel & Saraakiisha Gorgor oo faah faahiyay holwgalka

0

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmadda Guriceel abdishakuur Indho, Taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle iyo Kusimaha Guutada 15aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Axmed Dabeyl oo Warbaahinta Galgaduud ayaa sheegay in howlgallo qorsheysan oo wadajir u fuliyeen Ciidamadda Dowladda Somalia iyo kuwa Galmudug ay ku dileen Dagaalamamayaal ka tirsan Al-shababaab, kuna qabsadeen Gaari ay wateen oo ah nuuca loo yaqaan PRADO.

Waxaa ay xuseen in howlgalkan uu ka dhacay deegaano dhanka koofureed kaga beegan degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxa ay intaas ku dareen in Gaariga ay qabteen lagu waday dagalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo xirnaa jaakado ay ku xirnaayeen Qaraxyo.

Ugu dambeyn waxaa ay mahad celiyeen Dhamaan Saraakiisha iyo Ciidamada kala duwan ee howlgalkaas fuliyey, iyaga oo sheegay inay sii laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.