AKHRISO:- Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo Muqdisho lagu dilay

0

Alle u naxariiste waxaa daqiiqado kahor degmada Wadajir ee gobolka Banaadir lagu dilay Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.

Kooxo hubeysan ayaa dilay Marxuumka xilli uu kasoo baxay salaadda Cishaha.

Sidda ay Allgalgaduud u xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka Ammaanka.