AKHRISO:- Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay doorashadii Golaha shacabka ee shalay lagu qabtay Garoowe

0

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay waxa uu su,aal geliyay doorashadii Golaha Shacabka ee shalay lagu qabtay magaalada Garowe.

“Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sharci-darradaas. Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda. Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan wixii aan horay uga baqaynay” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Afartii xildhibaan ee ugu horraysay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaannada Puntland, ayaa shalay Garowe lagu doortey.

Illaa shan kursi oo ay u tartamayaan 10 musharrax, ayaa doorashadooda ay aheyd in shalay la qabto, afar kursi oo kamid ah ayaa la soo gabagabeeyay.