AKHRISO:- Ciidamo howlgal ka sameeyay Xaafado ka tirsan Gaalkacyo

0

Ciidamadda isku dhafka ah ee Gobalka Mudug oo kaashanaya Taliska qeybta Booliska Gobalka Mudug ee Maamulada Puntland & Galmudug ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga ka sameeyay halkii shaqaaqadu ka dhacday habeeno kahor ee Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan iyo Gaadiidka dagaalka ayaa howlgalka ka sameeyay goobaha kala ah Suuqa ariga Darxumo, Cagarweyne, Xaafada Buulo Bacleey iyo Goobo kale.


Taliyaha Ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug Puntland iyo Galmadug Cabdiqani Yaasiin Maxamuud (Haanfari) ayaa sheegay in Goobaha howlgallada laga sameeyay ay ahaayeen halka ay kusoo aruureen Kooxaha hubeysan ee qaswadayaasha ah ee kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo dhibaato ku haaya Shacabka Gobolka Mudug.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Kooxaha hubeysan ay yihiin kuwo iibiya waxyaabaha maanka dooriya, sida Khamriga iyo Xashiiska, isla markaana Ciidamada isku dhafka ah ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan waxkasta oo lidi ku ah Amniga.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug Puntland iyo Galmadug Cabdiqani Yaasiin Maxamuud (Haanfari) ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada Gaalkacyo inay Ciidamada kala Shaqeeyaan ka hkrtegida iyo soo qabashada cidda lidiga ku ah Amniga, wuxuuna digniin u diray kuwa ka Ganacsadaha maandooriyaha ee qaarkood hubeysan.