AKHRISO:- Wasiirka Ganacsiga oo daah furay shir looga hadlayo dib u habeynta ganacsiga

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta furay kulan socon doona muddo afar maalmood ah oo looga hadlayo mashaariicda horumarinta iyo dib-u-habaynta ganacsiga ee Bangiga Adduunku uu sanadaha soo socda ka taageeri doono dawladda Soomaaliya.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen madax ka socotay Bangiga Adduunka, ayaa waxa sidoo kale ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Ganacsiga, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dib u dhiska ganacsiga dalka iyo horumarinta mashaarciida muhiimka u ah dalka.