AKHRISO:- Dowladda Kenya Oo Ka Hadashay Aqoonsiga Somaliland

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya u soo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Warkan ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibbada Kenya ayaa imanaya kadib markii dhawaaan Baarlamaanka dalka Ingriiska dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.