AKHRISO:- Doorashada Golaha Shacabka Oo Ka Bilaabatay Garowe

0

Xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka ayaa lagu doortay goordhow magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Cabdi Ibraahim Qowdhan oo hore uga tirsanaa golaha wasiirada Maamulka Puntland ayaa ku guuleystey kursigan kadib markii uu helay codad gaaraya 90, halka Abshir Cabdi Xuseen oo latartamayay uu ka helay lix cod waxaana halowday 2 cod.

Kursiga labaad ee maanta lagu doortay magaalada Garowe ayaa waxaa ku guuleystey Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble kadib markii uu helay codad gaaraya 93 cod.

Illaa shan kursi ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Garowe ee xarunta Puntland.