AKHRISO:- Dil ka dhacay degaan ka tirsan Galgaduud & xiisad ka taagan

0

Maleeshiyaad hubaysan ayaa Nin Shacab ahaa waxaa ay ku dileen deegaanka dalsan oo hoos taga degmada Caabudwaaq ee woqooyiga gobolka galguduud, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay oo kamid ahaa dadka reer guuraaga ah oo horay ugu naq raacay deegaanka dilku kadhacay, waxaana magaciisa lagu sheegay Gureey Cabdi Inkir.

Dadka degaanka Dalsan ayaa waxaa ay sheegeen in dilkaan uu salka ku haayo aanooyin qabiil, isla markaana uu daba socdo dilal horay uga dhacay deegaanno hoosyimaada Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in saaka xiisad ka dhalatay dilkaas ay ka taagan tahay degaanka Dalsan, waxaana Odayaadha dhaqanka degaanka ay wadaan dadaalo ku aadan sidii xal loo gaari lahaa.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug kusoo kordhay dilalka aanooyinka qabiil la xiriira iyo dagaal beeleedyada toos ah, iyada oo Madaxda Galmudug ay ku fashilmeen wax ka qabashadooda.