AKHRISO:- Taliska Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

0

Taliska Qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kusoo bandhigey mid ka midd ah davaalamayaasha Al-Shabaab oo ay Gacanta kusoo dhigeen Ciidanka .

Daa’uud Cabdirashiid Xuseen oo Magaciisa Afgarashada uu yahay( Abdi kaafi ) oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gacanta kusoodhigey Ciidanka Ururka 47-aad guutada 8aad ee Qeybta 60aad Xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib howlgallo ay ka wadeen Ciidanka tuulooyinka hoos yimaada Deeganka Deynuuney ee Goboka Baay .

Saraakiisha Ciidamada qeybta 60aad ayaa waxaa ay sheegeen in Cabdikaafi uu Al-Shabaab ku jirey mudso laba sano ah una qaabilsanaa Amniyaadka, Sahanka iyo soo qabashada ka shaqeeya . isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah oo ka dhacay deeganada Gobolka Mudug halkaasi oo Al-Shabaab uga biirey Markii hore.