AKHRISO:- Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta, Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii ka dhacay magaalada Abu Dhabi.

Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah,.

Sidoo kale labada dbinac ayaa isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran, wuxuuna Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu raali gelinta siiyay Imaaraadka Carabta waxaa sii kordhayay xiriirada ay geelanayaan dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu khilaaf ka dhex-jiray.