AKHRISO:- Nabadoon lagu dilay Muqdisho & faah faahin kasoo baxeysa

0

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in galabta ay xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ku dileen Nabadoon Caanka ahaa degmadaas, iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Geesey Cusmaan Cabdulle.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta tegay Ehelada marxuumka la dilay iyo Ciidamao ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Laanta Fagax ,waxana la sheegay in Ciidamada ay sameeyeen howlgal wallow aan dilkaasi weli dad loo qaban.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilla loo geysto Askar,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Nabadoono Caanka ah Magalada Muqdisho,iyada oo mas’uuliyada dilalkaas ay sheegtaan Al-Shabaab.