AKHRISO:- Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida oo ka digay in la siyaasadeeyo gurmadka Abaaraha

0

Xilli inta badan dhulka dowlad degaanka Soomaalida xilligaan laga soo sheegayo abaaro daran ayaa Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar wuxuu ka digay in la siyaasadeeyo gargaarka ay u baahan yihiin dadka ay abaartu saameeysay.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxaa uu sheegay in xilligaan ay muhiim tahay in aan dhanka siyaasadda loo weecin arrimaha Abaaraha , isla markaana qof walba uu qaban karo hadii uu gaaro in dadka abaartu saameeysay in uu wax taro.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar oo meel fagaaro ah kula hadlayay Boqolaal dadweyne ah wuxuu sheegay in dadka kunool dowlad degaanka Soomaalida ay waajib tahay inay helaan waxyaabaha muhiimka u ah Noloshooda, sida Biyaha iyo Cuntada, wuxuuna Xukuumadda Abiy Axmed & qurba joogta uu ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadka ay abaarta saameeysay.

Degaano iyo degmooyin badan oo katirsan dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay saameyn xokgan ku yeelatay Abaarta, waxaana jira gurmadyo aan badneyn oo uga yimaada dhanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.