AKHRISO:- Jubbaland & Koonfur Galbeed oo shaacinaya Guddiyada xulaya Ergooyinka doorashada

0

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland gaar ahaan Guddiyadooda doorashooyinka ayaa waxaa lagu wadaa inay soo bandhigaan ama shaaciyaan Guddiyada soo xulista Ergada dooraneysa min Saddex Kursi ee Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan la shaaciyay

Maamulka Koonfur Galbeed oo ugu horreeya ayaa ay shaacinayaan Maanta oo Khamiis ah Guddiga soo xulista Ergada Saddexda Kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halka Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 22 Bisha Janaayo ay ku dhaqaaqi doonaan Tababarida Guddiga iyo soo gudbinta Ergooyinka.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Maalinta Sabtida h oo taariikhdu ku beegan tahay 22 Bisha Janaayo ay shaacin doonaan Guddiga soo xulista Ergada Saddexda Kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada, halka Maali ta kuxigta ee Axadda ah ay geli doonaan soo diyaarinta liisaska Ergooyinka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada 5 kursi, waxaana sidoo kale la filayaa in Maamulka Jubbaland uu Magaalada Kismaayo ka bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.