AKHRISO:- Howlgallo laga sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa howlgallo lagu xaqiijinayay niga ay ka sameeyeen Shan kamid ah degmooyinka Gobolka Banaasir, halkaas oo ay ka dhaceen falal lidi ku ahaa dhanka Amniga.

Degmooyinka howlgallada laga sameeyay ayaa waxaa kamid ah, Hodan Hiliwaa, Howlwadaag, Waabeei iyo Wartanabadda, waxaana Ciidamada ay baarayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo sidoo kale Guryaha qaar baaritaan ku sameeynayay.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaasir Farxaan Maxamuud Qaroole & taliyeyaasha Saldhigyada Shanta degmi, wuxuuna kamid yahay howlgallada mararka qaar Ciidamada ay ka sameeyaan Muqdisho si looga hortago falalka Amni darro oo ay geystaan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada howlgalka hoggaamineysay ayaa booqasho ku tegay Saldhiga Booliska degmada Hiliwaa, iyaga oo halkaasi Warbixino uga dhageystay Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Cali Xasan Goofjooge iyo Saraakiisha kale ee Ciidamada.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaasir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa goob fagaare ah kula hadlay qaar kamid ah Dhalinyaro howlgalka lagu qabqabtay, isaga oo ugu baaqay inay Ciidamada Booliska kala Shaqeeyaan sugida Amniga Caasimadda.

Intii uu howlgalka socday ayaa Saraakiisha uu horkacayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaasir Farxaan Maxamuud Qaroole waxaa ay kormeereen Isgoysyada iyo Baraha Koontorool oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska, iyaga oo sugida Amniga ku dhiiri geliyay Ciidamada.