AKHRISO:- Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

0

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda Maanta la qabanayo ayaa kamid ah 11 kursi oo Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay shaaciyeen 1-dii Bishaan, waxaana Shanta kursi ku loolami doona Xildbibaano horay ugu fadhiyay iyo kuwa doonaya inay hadda kamid noqdaan Golaha Shacabka.

Ilaa 100 Ergo ah ayaa kursigiiba u codeyn doona, kuwaas oo dhawaan tababar loosoo geba-gabeeyay, waxaana kuraasta Maanta doorashadooda ay ka dhaceyso Magaalada Baydhabo ay kala yihiin.

1: Hop156 oo uu ku fadhiyo Cali Cabdi Cusmaan, balse ay mu tartami doonaan Maxamed Aadan Maxamed & Maxamed Ibraahim Isaaq.

2: Hop176 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Mursal Maxamed Boorow, waxaana ku tartamaya Cabdixakiin Mustaf Ibraahim iyo isla Maxamed Mursal Maxamed Boorow.

3: Hop184 oo uu ku fadhiyo Xasan Cabdinuur Cabdi oo ay ku tartami doonaan Maxamed Cabsullaahi Cali, Xasan Cabdnuur Cabdi iyo Maxamed Xuseen Mukhtaar.

4: Hop46 oo ay ku fadhisay Raabaco Sheekh Nuur, kaas oo ay ku tartami doonaan Maxamed Wardheere Aadan iyo Xubin kale.

5: Hop85 oo uu horay ugu fadhiyay Shariif Maxamed Cabdallaahi, waxaana ku tartami doona isla Shariif Maxamed Cabdullaahi iyo Xubin kale.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya Maamulkii ugu horreeyay ee fuliya heshiiskii doorashada oo 9-kii Bishaan ay Magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha wadatashiga Qaran.