AKHRISO:- Faahfaahin Qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

0

4 Qof ayaa dhimatay ku dhawaad 10 kalana wey ku dhaawacmeen kadib Markii Qof Xiran Jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay Maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Xero Nacnac Dagmada Wadajir ee Muqdisho Muqdisho.

Dadka dhintay iyo ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada Muqdisho waxayna u badnaayeen dhalinyaro.

Gaadiidka Gurmadka Dag daga ah iyo ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta waxaana socda gurmad loo sameyanayo dhibanayaasha.

Qaraxyada ay fulinayaam dadka isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa kordhay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ugu dambeyay Qaraxii lala eegtay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.