AKHRISO:- Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda

0

Cabdiraxmaan Xuseen Aadan oo Magaciisa Afgarashada uu yahay ( Amiir Arbac) oo ka Mid ahaa Al-shabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60aad ,Wuxuuna Alshabab ku jirey mudo 2 sano ah isagoo u qaabilsanaa jabhada .

Wuxuuna ka soo howlgaley deeganada gobolka Hiiran Isagoo ka qeyb qaatey Dagaalo Dhowr ah oo ka dhacay Deeganada Gobolkaasi.

Cabdiraxmaan ayaa sheegey Sababta ku Dhaliftey in Alshabab isaga soo baxo ay tahay ,ka dib Markii aan arkey khilaafka dhexdooda Alshabab ka jira ,Cadaalada darida ,Noolal Xumo ,ku dhaqanka diinta Islaamka oo ay ka been sheegeen iyo Dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri’’

Dhanka kale Cabdiraxaman ayaa Saaxibadiisa kale ee hada qorsheyneya In isaga soo baxaan Alshabab ugu Baaqey in ay Dowladda isku soo dhibaan ay ka mid noqdaan Shacabkooda iyo Dowladooda.