AKHRISO:- Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari oo bilaabay xalinta Arrinta Boosaaso

0

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bari Cabdisaaq Shaahdoon ayaa booqashadiisii u horraysay ugu tegey Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo kamid ah isimadii soo saaray go’aannada la xiriira PSF ee aysan weli aqbalin Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni.

Wararka la helay ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen xal ka gaarista arrinta Boosaaso ee u dhaxeeysa Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni iyo Taliska Hay’adda PSF.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bari Cabdisaaq Shaahdoon ayaa u balan qaaday Isimada Puntland in ka maamul ahaan uu gacan ka siin doono sidii loo soo afjari lahaa khilaafka si Bulshada Boosaaso Nabad ugu noolaadaan.

In kastoo xaalada Magaalada Boosaaso oo horay dagaalo uga dhaceen ay degan tahay ayaa hadana waxaan weli xal laga gaarin khilaafka Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni iyo Taliska Hay’adda PSF.